Skip to main content

Labo iyo Tobanki sano ee lagu Qalleeyay 12-ki ka horeeyay. Ku Wacyi Qaado Sooyaalkii warsame Shiidleey.



Warsame waa 24 jir. Waa qoraa afka soomaaliga wax ku qoro horayna u daabacay buug ku guulaystay abaal marin sare. Qur’aanka waa uu xafidsanyahay. Dhawaan ayuu qaatay shahaadada darajada kowaad ee jaamacada. Sidaas oo ay tahay magaalo waxa uu joogaa 12 sano kaliya. Ma run baa mise waa riyo mise waa sidaan jeclaan lahayn? Ma shahaadadi Cabdalla Shideeyaa mise cilmigii Cabdi-wali ee baadiniga ahaa (wadaadki Gaalkacyo)? Intaba midna mee waa dadaal rageed iyo doonitaan Eebe iyo tusmo u furan qof walba oo doono inuu guul ka gaaro hadafkiisa.

Inta aanan billaabin sheekada aan mar kale sheego in ujeedka qoraalkaan uusan ahayn ammaan iyo dhaliil toona balse ujeedku yahay cashar barasho, tusmayn iyo tusaalayn kuwa jecel inay naftooda horumariyaan, dhiirri galin kuwa uu gaariga dadaalku meel dhexe kula jabay, baraarujin kuwa aan arag awoodda Alle siiyay iyo fursadaha ay haystaan. Sidaa darteed ku aqri qalbi fayow oo diyaar u ah wacyi qaadasho iyo ku dayasho.

Imaamul Ghazali Eebe ha u raxmadee ayaa isagoo ka waramayo cajaaibta qalbiga aadanuhu leeyahay waxa uu yiri “Qalbigu waxaa uu leeyahay sharaf aysan la wadaagin dhamaan xubnaha kale ee jirka. Sharafkaan waxaa uu ka yimaadaa labo meelood: mid waa awoodda uu leeyahay midina waxay ka timaaddaa aqoonta/cilmiga.”

Isagoo sii faahfaahinayo midda danbe waxaa uu yiri “qalbigu waxaa uu awood u leeyahay inuu weeleeyo dhammaan aqoonta aduunka taal, mana jiraan wax xaddido muggiisa. Waxaa lagu keydin karaa cilmi diimeed iyo mid maadiba, inkastoo uu qalbigu yahay xubin aan qaybsami Karin hadana waxaa uu isu keeni karaa saynis oo dhan. Dhabtii aduunka oo dhan waxaa uu qalbiga dhexdiisa ku noqon saxar buur la dulsaaray”.

Awooddaan Eebe siiyay aadanaha ee ah inuu baran karo wax walba oo uu doono dadku ma wada arkaan. Runtii inteenna badan waanba moognahay awooddaas sidaas darteed inagoo cindiga ku hayno inaan horukac samayno ayaa waxa lugaha nagu dhagan cabsi aan ka qabno inaan baran wayno waxa aan doonayno. Haddaan isku badiyo waan ku wareeri; labo maaddo iskuma dari karo; caruur koris iyo cilmi raadin isuma keeni karo iyo cudur daarro la mid ah ayaa nagu badan. Laakiin had iyo jeer waxaa jiro dad Eebe tusay awooddooda kana faaiidaysto fursadaha soo maro. Dadkaas waxaa ka mid ah Warsame Cumar Xuseen oo ku magic dheer Warsame Shiidleey. 

Warsame waxaa uu ku dhashay Shiidleey oo ku taal dhul daaqsimeedka Diirharo ee gobalka Gedo qiyaasti 1993-di. Sanadihii hore noloshiisa waxaa uu ku qaatay miyiga. Ilaalinta maqasha guriga joogto, soo celinta weylaha casarki si aysan lo’ada ooga hortagin iyo ugu danbeyn la wareegidda heynta lo’ada jilka ayuu si isdaba joog ah ugu kala dallacay 12ki sano ee noloshiisa u horraysay. Barashada dhaqidda xoolaha waxaa uu u garab waday xirfadaha kale ee mustabalka uusan ka maarmi doonin sida kooro qoridda iyo barshada Qur’aanka.

Marki da’diisu foodda galisay 12 sano waxaa uu ka adkaaday raacidda lo’da, oodidda xeradeeda, waraabinteeda iyo ka war-qabka baahideeda kale. Sidoo kale waxaa geela lagu xiray aleelki ugu horeeyay oo uu isagu gacantiisa ku qoro. Dadnimadaan dheeraadka ah ee ka muuqato Warsame waxay fakar kale ku dhalisay qosykiisa oo is yiri show haddii meel uu wax ku barto la gayn lahaa nin ayuu noqon lahaa. Walaashii Xaliimo Cumar Xuseen ayaa arintaas dusha u ridatay kuna qancisay waalidkiis inay Warsame fursad siiyaan, arintaasna waa lagu raacay.

Warsame oo aan waligiis magaalo arag ayaa subax gacanta la soo qabtay, loona sheegay in ree magaalnimo lala rabo. Waxaa la siiyay dardaaran ku saabsan sababta baadiye looga waday isagoo ciidankiisa baahi weyn loo qabo. Isaguna waxaa ku jawaabay waa ballan inaanan noqon mid lagu qasaaray.

Isagoo ka waramayo waqtigii uu magaaladda yimid waxaa uu yiri “Ma fogeyn markii aan miyiga ka soo galay. Waan xusuustaa subixii aan magaalada soo galay. Hanti waxa aan ka lahaa macawiis guduudan oo uu aabbahay i siiyay iyo shaar diilimo leh oo isaguna walaalkay Moxamed Xussein Cadde uu Xamar iiga soo dhiibay.
Magaaladu waa nolol kale. Tii aan ku koray aad ayaa ay ugu duwan tahay. Si weyn ayaa ay ii soo dhoweysay magaaladu. waa aniga nastay oo caddaan gaaray! Cuntada magaaladu macaanaa! Midabbo badanaa! Basbaasku se cadawsanaa oo kululaa oo reer miyi u daranaa!
Waxbarashada maantay aan qeybteedii koowaad ee Jaamacadda Camuud ku gabogabeeyay ayaa aan berigaa billaabay. Go'aan adag ayaa uu ahaa. Ballan weyn oo aan nafteyda iyo reerkeygaba ka qaaday ayaa uu ahaa. 

Warsame waxaa la geeyay Baardheere oo laga qoray iskool hoose/dhexe. Sidoo kale waxa uu billbaabay Qur’aanki meel fiican isagoo u marayo uu dugsigii ka kala-kacay intuu miyiga joogay. Noloshii adkayd ee miyiga ayaa horay ugu soo diyaarisay inuusan nasan nin shaqo ku taal. Wuxuu habayn iyo maalinba waqtigiisa ku bixiyay akhris iyo qorid taasoo u suura galisay inuu muddo kooban kusoo gabagabeeyo Qur’aanki iyo waxbarashadi hoose.

Sidaas ayuu ku waday ilaa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Camuud oo uu ku bartay dhaqaalaha iyo siyaasadda. Intii uu waxbarashada ku jiray, naftiisa kuma uusan koobin inta macalimiintu u dhigaan ee wuxuu ku garab waday howlo badan oo uu naftiisa ku hormarinay. Waxaa uu akhrin jiray buugaag tiro dhaaftay, waxaa uuna naftiisa ku xukumay akhriska caddad go’an oo dhigaal ah bil walba.

Akhriski badnaa waxaa uu furay xirfado kale oo uu warsame lahaa balse aasnaa. Waxaa uu billaabay curinta sheeko-faneedyo, waxaa kasoo burqaday sugaan waxaana uu diwaan galiyay maansooyin uu ku cabbiray arimo kala duwan. Intii uu Warsame akhrinayay dhigaalki u badnaa sheeko-faneedyadda waxaa u muuqatay in dood ka furantahay qaabka loo qoro sheekooyinka. Inta badan sheekooyinka la qoro waxaa lagu wariyaa ‘qofka sadexaad’ (third person). Warsame waxaa uu ku biiray dadka qabo in sheegadu ku macaantahay inuu wariyo qofkay qabsatay sidaasna loo qoro (first person).

Warsame dooddaan af maran kagama qayb qaadan ee si hadalkiisu qiimo u yeesho dooddana uu qayb ooga noqdo waxaa uu ku go’aan qaatay inuu isaguba qorayaasha ka mid noqdo. In buug la qoro waa shaqo adag oo waqti badan u baahan, laakiin mashquulka uu abuurayo qoraalku Warsame ma walaac galin, lamana uusan sugin inta uu jaamacadda dhamaynayo sidi ay dad badan kula taliyeen ee waxa uu guda galay qoridda buuggiisa uu ugu wanqalay ‘Baalkii Madoobaa ee Noloshayda’. Buuggaan oo la daabacay 2016-ki ayaa ku guulaystay abaal-marinta la siiyo buugga ugu fiican sanadka kasoo ay bixiso Garanuug. Garanuug Limited waa shirkad waxbarasho iyo faafin. Higsi waxaa u ah: “soo saarista ummad garaad suubban iyo aqoon sare leh”

Warsame intaas waxaa u dheer inuu xubin fir-fircoon ka yahay ururka African Youth Economist Association haddana uu yahay xog-hayntiisa. Sidoo kale waxaa uu ka qayb gala dooddaha fagaaraha ee quseeyo siyaasadda iyo arrimaha bulshada iyo waliba mararka qaar kuwa suugaanta.

Warsame Shiidleey waxaa muujiyay dadaal dheeraad ah. 12-ki sano ee uu magaalada joogay waxaa uu ku dhaafay kuwo 30 sano joogay iyo kuwii la ayniga ahaa ee ku dhashay baladka. Waxaa uu ka faaiidaystay fursaddi ay qoyskiisu siiyeen waxaana uu oofiyay ballanti uu soo qaaday. Intaan ogahay waxaa uu noqday qoraagi ugu caansanaa ee kasoo baxo Gedo 20-ki sano ee lasoo dhaafay. Lo’ dhaqaalaynti waxaa uu ku badalay lacag dhaqaalayn, kooro-qorriddina waxaa uu ku badalay buug qorid, jiibti uu yaxniga habaynki ka weheshan jiray ee geedaha iyo lo’da u xaraysan kaliya ka dhagaysan jireen waxaa uu ku badalay maansooyin iyo geeraaro uu ka jeediyo taleefishinno kumanaan qof daawanayaan. 12-ki hore waxaa badalay 12 ka faaiido badan waxaa uuna ku rajo weyn 12 ka sii fiican inuu xigo doono Eebe idmo

Imisaa canug waxbasho loo diray sanado ka dib soo laabtay isagoon waxba soo baran? Imisaa habayn iyo maalinba ku tallamayso inay wax bartaan laakiin sugayo firaaqo badan inay helaan; Imisaa waxbarasho ku jirto laakiin aan eray kale ku darin inta macalinku siiyo; imisaaba aaminsan in carrabki adkaaday oo aysan wax baran karin? Kii aad tahayba ogow in aad hammigaada gaari karto haddii aad dadaalkeeda la timaado.

     Kumannaan Warsame oo kale ah ayaa duurka lo’ iyo geel ku raaco haddii uusan Eebe Xaliimo oo kale u bixinna maankoodi miyi ku qasaari doonaa!

Ibrahim Aden shire
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *