Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2017

Aragtida Suubban ha ka sarriigan: Cashar ka qaado noloshii Jean-Jacques Roussseaus

                                                                                                                                                Jean-Jacques Rousseau waxaa loo aqoonsanyahay inuu ka mid yahay aqoonyahannadi ugu qiimaha badnaa qarnigii 18naad ilaa maantana ugu saamaynta badan culimada kasmo-nafeedda (psychology). Waa aabaha iyo marjica kasmo-nafeedda korniinka bini-adamka (developmental psychology). Waa ninka soo jeediyay nidaam maanta inta adduunka wax lagu baro caruurta ee loo yaqaan “child-centred approach”. Hase ahaatee waxaan oo qiimo ah waxay soo baxeen dhimashadiisi ka dib, intooda bandanna waxaa la fahmay 100 sano geeridiisi ka dib halka ilaa maanta la barto dhigaalkiisi iyo afkaartisi lana sii hormariyo. Sidee ku dhacday? Rousseau waxaa uu ku dhashy magaalada Jeneefa ee dalka Swiisarland sanadki 1712ki. Aabihii waxaa uu ahaa biro-tume saacadaha sameeyo, hooyadiina waxay ahayd gabar aad u qurux badan oo reer dabaqadda sare ah kasoo jeeddo aabihiina aa

Cashar Muhiim ah ayaa noogu jiro Siyaasadda Arrimaha Dibadd ee Iiraan

                                                                      Dalka Iiraan waa waddanka kaliya ee ku yaal bariga-Dhexe ee madax-bannaani haysto. Madax-bannanidaan kuma imaan si fudud ilaa haddana loogama harin. Sida waddamada kale muslimiinta Iiraan waxaa marki hore loo dhiibay madax maqaar saar ahaa oo reer Galbeedku u talinayeen. 1979ki ayaa daba-dhilifyadii xukunka laga tuuray waxaana talada la wareegay kacaan ay hoggaan u hayeen wadaaddo shiico ah. Kacaankaas waxaa uu abuuray collaytan dhinacyo badan ah. Ree Galbeedka oo uu diidan xorriyadda, Sunniyiinta oo ka caraysan shiico dowlad yeelatay iyo kooxo badan oo dowlado kale isticmaalayeen ayaa si joogta ah ula collaytamay. Jiho walba waxaa ka jiray cadow: Galbeedka Saddaam oo ujeedkiisu ahaa in la waayo wax Iiraan la yiraahdo, bariga Taalibaan oo qorshaheedu ahaa inay laayaan shiicada Iiraan oo dhan, koonfur-bari gobalka Baluchistan ee Pakistaan oo ah mid waligiis aan nabad arag, dhinaca koonfureedna waxaa ka xiga

Xagee Laga leeyahay Shirkadaha ugu Waaweyn ee Hubka Sameeyo?

                                                  Waxaan maqalnaa in badan dowlad hebla oo intaas oo bilyan hub kaga iibsanayso dowlad heblo, waxaan aragnaa ama maqalnaa boqolaal qof oo maalin walba u dhinto isticmaalka hub, sidoo kale waxaan maqalnaa dowlado badan oo sheeganayo inay aduunka nabad la rabaan, hadafkooda ugu danbeeyana yahay in la helo dadka adduunka ku nool oo si nabad ah isu garab dagan. Inta badan hadalada nabad-doonnimada ah waxaan ka maqalnaa dowlaha ugu badan oo aan maqalno iyagoo hub iibinayo ama soo iibsanayo. Sanadkaan dhexdiisa ayay ahayd marki aan arkaynay Sacuudiga oo shirkad Maraykan ah 15 bilyan oo doolar kaga iibsanayo nidaamka difaaca ee loo yaqaan THAAT. Hadaba si aan u fahanno in adduunka nabad lala doonayo iyo in kale waa inaan eegnaa cidda hubka soo saarto iyo faaiidada ay ku qabaan. Hoos ka akhri tobanka shirkadood ee ugu horayso aduunka xagga hub samaynta. 1:  Lockheed Martin (Maraykan). Shirakadaan waxay ku taal gobalka Maryland ee

Xasuustaydi Halyeey Maxamuud Xasan Cilmi

                                                                                                                                      14ki Octobar waxaa dhacay musiibo nagu dhacdo tii ugu weynayd. Maahan kaliya tirada dadka ku dhintay badnaanteeda waxa qalbiga na gubay ee sidoo kale qiimaha iyo tayada dad ka naga dhintay sarraynteeda ayaa ah mid aan laga gam'i karin. Waxaan is iri ma xulkii ummaddeena ayaa meesha la isugu geeyay mise Soomaali oo dhan ayaan kala dhicin. Dareenkaygu wuxuu i siinayaa inay jawaabtu tahay midda danbe.  waxaa naga baxay dad aan la kala fadili karin xagga tayada iyo xagga muhiimmada ay dalka iyo dadka u lahaayeen. Bal fiiri Maryan, ardayadii caafimaadka ee maalin ka hor qalin jabinteedi la laqmiyay, hooyo Caasho, ogoonlaydi banaanka bur shiishiilka ku gadaysay si ay caruurteeda tuugsi uga kaafiso, wiilkii iyo gabadhii uu dhalay aabaha naafada ah ee wax waxtar ah qabo labadaas ka haystay, afartii wiil ee walaalaha ahaa ee isku meesha lagu dubay.

Labo arrimood oo aadan uga hagran waxa aad hayso dadka wax yeeloobay

Musabadii nagu habsatay Sabtidii waxay abuurtay baahi balaaran oo dhinacyo badan leh. Gurmadka loo fidiyay dhibbanayaasha iyo eheladooda ayaa wali socdo. Wax qabadka la wado waxaa ka mid ah tabaruucaad loo aruurinayo dadka wax yeeloobay oo ka socdo meel walba oo dad soomaaliyeed joogaan. Anigoo og in dadkeennu hagar la'aan wax u bixinayaan ayaan, hadana, rabaa inaan sii dhiiri galiyo si aysan u noogin.  Labo xalaadood midkood unbaad ku sugantahay oo aan mid sadexaad lahayn. 1) inaad haysato wax kuu kala haro oo haddi aad qayb bixiso qayb kusoo harayso. 2) inaad haysato waxa markaas gacantaada ku jiro oo haddii aad dhiibto waxbo kaaga danbayn. kii aad tahayba bixi oo waxba ha hagrin labo arrimood dartood.  Haddi aa tahay kan hore ogow waxa aad bixisay waa qashin iyo wasaq aad ka fogaysay naftaada, reerkaada iyo maalkaada. Qashin qofkii kaa fogeeyo mahadnaq ayuu mudan yahaye ma mudna manno sheegasho. Inay sadaqadu wasaq tahay waxaa noo sheegay Suubanaha SCW waana sababta loo

M dhabbaa Mise Way i dhuminayeen?

Waxaan ahay qof aad u nasiib daran Waxaan dhashay Kadib markii aan gacmeheena isaga tuurnay dawladii dhexe, waxaan ku dhashay dhul aad u barwaaqo badan balse dadkiisii laga indha saabay, Wali indhaha ma saarin dawlad uu dhulkeyga leeyahay. Waxaan ku hanaqaaday Intii ay soconayeen digaalidii sokeeye, waxaan ifka imid umadii soomaliyeed oo Kala irdheysan, Waxaan dadaal dheer ugalay inaan ogaada taariikhda dalkayga, Wax ma aqrin aqoonin balse midaas igama aysan hor istaagin inaan dalkayga taariikhdiisa soo helo. Waxaan Wareeystey dadka iga waawayn, waxaan mar waliba ka maqli jiray "Alla yaa dawladii dhexe noo soo celiyo ". Waan waydiiyay waxyaabaha ay ooga jeedaan ereyadaan ay mar waliba ku taahaayaan Waxay iiga sheekeyeen Wax aan Maskaxdayda  Marnaba ka dhaadhaci karin, Waxay iiga sheekeeyeen Dad Aduunka Madaxiisa joogey maantana minja isku badalay.       Waxay igu dheheen: waxaan kamid ahaan jirnay dawladaha Afrika oogu quwada badan waligeen quursi lama aanan kulmin

"Dareenkayga markaan arko calankayga oo la qaybshay".

Waxaan kamid ahay dhalinyaradii dhalatay burburkii kadib, ma arkin nidaam dawladeed iyo hannaan qaran, balse waxaan la koowsaday bur bur iyo qax, markaan caqli yeeshay waxay ila ahayd xaaladda aan kujiro in  ay tahay xaalad caadì ah, waxaan xasuustaa hooyo iyo aabe markaan wada sheekaysanno in ay ka sheekeeyaan xilliyadii dawladda iyo noloshii wacnayd, waxaan oran jiray mararka qaar dawladdaas yaa noo soo celiyo, dugsigii qur'aanka kadib waxaan billaabay waxbarshadydii asaasiga ahayd, maaddooyinka waxaan ugu jeclaa maaddada af- Soomaaliga, waayo waxaa kujiray gabayo iyo sheekooyin aad u xiiso badan, waxaa jacayalkeeda igusii kordhiyay markaan taaganahay safafka daabuurka, waxaa nagula barbaariyay in aynu qaadno subax waliba astaanta qaranka iyo calanka, macallimiintana waxy nagu siin jirayn abaal marin kooxdii u cod qurxanaanta. Xilliyadii waxbarsahada asaasiga ahayd iyo dugsiga qur’aanka waxaan arki jiray dadka oo aad u dhagaysta idaacadda BBC-da, balse nasiib darro wax

Contact Form

Name

Email *

Message *